Abwaan xasan mooge oo markale kusoo noqday silsiladii deelay ee lagu furay maansadii dayro isagoo u halcelinaya maansadii digniin ee abwaan ciiltire.waxaanu yiri daryeelmaansadaydaay dadkan wada abwaankee………

Filed under: Xulashada |

Daryeel maaansadeydaay
Dadkan wada abwaankee
Deelkii bal soo galay
Ee daryeelna diideee
Deyrana ka gaabsaday
Deelka xaguu u soo maray
Waa suaal da,weynee
Dadweynahaa la weydiin????

Deeqsiyoow bal deelkii
Dayriyo daryeeel haa
Ninbaa soo daf yidhiyoo
Isagoon dabaal baran
Deeelkii aayar soo galay
Oo aaayar digayoo
Digniinbaan hayaa uun
Deelkii ku soo galay
Ee aan dul joogsado
Waxan uu ka digayuu
Haysku dayina leeyahay

Ninka digayaa,oow maqal
Dhagahana dalooshoo
indhahana bal hoy furo
Deyro iyo daryeeshii
Doodeyadu haydee
Eee deelka lagu furey
Midna maad ka doodinee
Cidlaad dararaq leedahay
Oo aad durbaan iyo
Dawan aad tumaneysaa
Ee dib bal iskugu laaboo
Dacwadaadii soo eeg
Dacwad. Kale waxay tahay
Dawladeeenan maantana
Mar waad amaaantooo
Dawlad weeyibaad tidhi
Marna waad duleysoo
Dadka wey xasuuqaan
Ayaad dood ku leedayay
Bal markeed damiir iyo
Dhiig diiran leedahay?????
Adigoo dalkaagii
Dibadaaaa ka joogoo
Dalal kale ku noolbaad
Aaayar dooodaysaayood
Walibana digeysaaa
Sidood aaar wax dila,oo
Dadka qaata aaad tahay
Bal miyaad ka dadan tahay
Dagaaalkii shaleytiyo
Daba laabkii dhici jirey
Bal miyaaad ka dadan tahay
Dulcad iyo Daroor iyo
Diiftii shaleytaba
Uu dadkeenu joogee
Dilmaduna u dheerayd
Dawladii dulmiga hayd
Hadii aynu didinoo
Dalkeeniina nabad yahay
Waa deeq ilaahee
Dawladana inoo daaa
Digniintana inaga daaa
Oo doooda soo baro
Cidla lagama daaalee
Geeluba dareemiyo
Marka dooga uu cuno
Dur duruu ku waashaa
Aaadmi na sidoo kale
Markuu nabada daaquu
Deelqaaf ku waashaaa
Ana maanta kala barey
Beyd gaab inaad tahay
Oo aanad maansada
Micnaheeda dhigi karin
Deeel na aaanad weli baran
Waxba dooda yaan badin
Ee aaan kula dardaaarmeee
Digniintaaad digeysaa
Dabin yaaney kula gelin
Ee aayar diga rogo
Intaaan daadku kula tagin

You must be logged in to post a comment Login